Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saaraty tilmaamaha dib u habeynta gunnadda Shaqaalaha kumeel gaar ah ee dowladda.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, iyada oo la tixgelinayo awoodda dhaqaale ee Dowladda iyo culeyska kasaaran dhanka bixinta mushaarka iyo gunnooyinka shaqaalaha, sidoo kalana la arkay isku dheelitir Ia’aanta gunnooyinka shaqaalaha ku meel gaarka ah, waxa ay Wasaaraddu soo saartay tilmaamaha soo socda.






