Beled-xaawo (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dagaalkii ku dhexmaray labada dhinac maanta magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Mas'uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku soo weerartay diyaarado milatari magaalada Beled-Xaawo, oo ay sheegeen in ay Jubaland gacanta ku hayso. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland, weerarka ayaa lagu eedeeyay in uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo mas'uuliyiinta Jubaland ay ku tilmaameen in ay hoos u dhigeyso kalsoonida shacabka ee dowladda Federaalka.
"Waxaa nasiib darro ah in amarka weerarkaasi u bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo ah mid dhaawac ku ah kalsoonidi shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.Jubaland waxa ay sheegtay in ciidamada Jubaland ay gacanta ku hayaan magaalada oo ay isdifaaceen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in iyada lagu soo qaaday weerar, iyadoo Wasaaradda Amniga Gudaha ay ku eedeysay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inuu ka dambeeyay weerarka.







