Garas Magan — Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa 20-kii bishan May 2025 howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Garas Magan, oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo sheegay in ay beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay warbaahinta ciidamada ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalkan, ciidamada ayaa sheegtay in ay dileen tiro ka mid ah xubnaha kooxda, isla markaana ay ka saareen goobo muhiim u ahaa, kuwaas oo kamid ahaa godad ay kooxdu ka qodatay dhulka.
“Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Garas magan oo kamid ah degaanada u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isku uruursanayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada.






