Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay shacabka iyo dowladda Maraykanka ka dib fatahaadaha daadadka degdega ah ee ka dhacay bartamaha Texas, taasoo sababtay khasaare nafeed iyo burbur ballaaran.
Qoraal tacsi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, 6-da Luulyo 2025, ayaa dowladda Soomaaliya muujisay tacsiyadeeda gaar ah ee ay u dirayso Maraykanka, gaar ahaan qoysaska ku waxyeeloobay masiibada ka dhacday gobolka Kerr ee Texas.
Qoraalka ayaa sidoo kale muujinaya midnimo buuxda oo ka timaada Soomaaliya oo ay la garab taagan tahay Maraykanka waqtigan adag, waxaana lagu yiri: " Fikirkeena wuxuu la jiraa qoysaska dhintay, gaar ahaan kuwa ay saamaysay masiibadii ka dhacday Gobolka Kerr, iyo dhammaan bulshooyinka u adkaysta saamaynta masiibadan dabiiciga ah."







