Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in laba nabadoon ay ku geeriyoodeen weerar shalay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarkan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ku bilaawday qarax, kaddibna ay kooxo hubeysan weerareen hotelka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada, ayaa cambaareeyay weerarkan wuxuushnimada ah, isagoo tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay. Wasiirku wuxuu Alle uga baryay intii geeriyootay naxariista jannada, halka uu dhaawacyada u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
"Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah ku qaadeen Hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne. Waxaan naxariista Janno Alle u waydiinayaa intii ku geeryootay weerarkan fulaynimada ah," ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka Caafimaadka ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada Nabadoon Aadan Raaxa Jecel iyo Nabadoon Mohamed Osman Farah (Ileyna), oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkan.



