Degmada Birqod, Gobolka Jarar – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah u soo xiray tababarka dufcaddii 17-aad ee ciidamada Booliska deegaanka, kuwaas oo muddo lix bilood ah ku jiray tababar adag oo ka socday Dugsiga Tababarka Booliska ee Gaashaanle Khadar.
Munaasabadda qalin-jabinta waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sar sare oo ka socday dowladda deegaanka, sida Hoggaanka Nabadgelyada DDS Cabdulqaadir Rashiid Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Jarar, Komishanka Booliska Sareeyo Guud Cabdi Cali Siyaad, iyo masuuliyiin kale.
Sareeyo Guud Cabdi Cali Siyaad ayaa sheegay in ciidamadan cusub ay noqon doonaan geesiyaal u hogaansan sharciga, isla markaana u taagan difaaca shacabka. “Maanta laga bilaabo, waxaad la mid noqonaysaan haldoorkii hore ee deegaanka difaacay,” ayuu yiri.






