MUQDISHO (Dawan) – Dugsiyada Hay’adda Maarif Foundation ee Turkiga ayaa noqday dugsiyadii ugu horreeyay ee laga aqoonsado si rasmi ah gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay heleen aqoonsiga caalamiga ah ee OxfordAQA, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho maanta oo Arbaco ah.
“Guushan muhiimka ah waxay noo suurto-gelisay inaan noqono dugsigii ugu horreeyay ee Soomaaliya laga aqoonsado si rasmi ah. Intaa waxaa dheer, dugsigeennu waxaa sidoo kale loo aqoonsaday inuu noqdo xarun imtixaan rasmi ah oo loogu talagalay imtixaannada IGCSE iyo A-LEVEL,” ayaa lagu yiri bayaanka Safaaradda Turkiga.
Sidoo kale, dugsiyadan ayaa hadda loo aqoonsaday inay yihiin xarun imtixaan rasmi ah oo lagu gali karo imtixaannada caalamiga ah ee IGCSE iyo A-Level — kuwaas oo horey ardayda Soomaaliyeed ay ugu safri jireen dalal ay ka mid yihiin Kenya ama Itoobiya.



