Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.
Dunida oo dhan 4 xaaladood midkood bay ku hirgashaa doorasho qof iyo cod ah;
𝗞𝗼𝗼𝘄: In Madaxweyne kaligii talis ah uu qabto doorasho, qofkay shacabka doortaanna uu xilka ku wareejiyo. Sidaas waxaa yeelay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Moi.
𝗟𝗮𝗯𝗼: In quwado shisheeye qasabto oo ay diyaariso hab doorasho dadweyne loogu dareero, kadibna xilka lagu wareejiyo dowladdaas ay shacabku doorteen. Sidaas waxay ka dhacday Ciraaq iyo Afgaanistaan.
𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅: In heshiis siyaasadeed lagu gaaro, oo si wadar ogol ah lagu qabto doorasho heshiis lagu wada yahay. Sidaasna, waxaa tusaale fiican u ah maamulka gooni goosadka ah ee Soomaaliland.
𝗔𝗳𝗮𝗿: In Madaxweynaha xilka ku fadhiyo uu ku dhawaaqo inuusan musharax ahayn, uuna xilka ku wareejiyo hogaamiyaha ay shacabka doortaan. Sidaasna waxay ka dhacday Suudaan iyo Muuritaaniya.