Muqdisho, 24 Janaayo 2026 (Dawan)– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Sabti ah amar ku bixiyay in la burburiyo dhismayaasha uu ku tilmaamay sharci-darro ee ku yaalla waddada Cabdiqaasim, si loo hirgeliyo dhismaha waddadaas muhiimka ah.
Duqa Muqdisho ayaa amarkan uga dhawaaqay munaasabadda dhagax-dhigga waddada Cabdiqaasim ee degmada Hodan, isagoo sheegay in maamulka degmada iyo waaxda dhulka lagu amray inay calaamadeeyaan guryaha iyo dhismayaasha ku soo xadgudbay waddada, islamarkaana ay siiyaan digniin socon doonta toddobo maalmood.
“Waddadan waxaan rabnaa cid kasta oo soo gashay, guddoomiyaha degmada iyo maamulka dhulka qaybta farsamada waxay amran yihiin inay rinji ku qoraan, toddobo maalmood ay digniin siiyaan, dabadeedna ciddii ka bixi weyda waa laga duminayaa,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.







