Muqdisho (Dawan)- Duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan xoogaga Al-shabaab sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Xubanaha la dilay waxaa ka mid ah horjoogayaal ku sugnaa guri ku yaal deegaanka, inkasta oo aan la sheegin magacyadooda iyo tiradooda.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa xaqiijisay weerarka cirka ah ee ka dhacday deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray, iyaga oo sheegay in lala beegsaday xabsi
Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in khasaaraha ka dhashay uu yahay dhimashada afar maxbuus iyo dhaawac todobo qof.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi iyo wasiir ku xigeeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaal ayaa labaduba sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay xaooga Al-shabaab kadib markii la bartilmaameedsaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Dumaaye oo dhanka waqooyi galbeed ka xiga degmada Xarardheere.gobolka Mudug.



