Taliska Ciidamada Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa fuliyay duqeyn cirka ah 13-kii Juun 2025, taas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, ee ku sugan deegaan ku yaal yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waqooyi-bari Soomaaliya.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ay AFRICOM soo saartay 16 Juun 2025, duqeyntan ayaa ahayd mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday, looguna talagalay in looga hortago awoodda Daacish ee ku aaddan abaabulka iyo fulinta weerarro halis gelin kara danaha iyo dadka Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Deegaanka la beegsaday oo ku yaalla gobolka Bari ayaa la ogyahay inuu yahay mid ka mid ah meelaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan xubnaha xiriirka la leh Daacish ee gudaha Soomaaliya. AFRICOM kama aysan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo nooca agabka la adeegsaday, sababo la xiriira ilaalinta sirta iyo ammaanka howlgalka.
“AFRICOM oo garab la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka, waxay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada halista ah ee ku wajahan Mareykanka, ciidamadiisa iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.





