Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in Ciidamada Gaarka ah ee Danab ay fuliyeen hawlgal habeenimo oo qorsheysan, kaasi oo ka dhacay agagaarka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lagu dilay 15 dagaallame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka sideed kale nolol lagu qabtay.
War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu qayb ka yahay dadaallada amni ee joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, isla markaana uu muujinayo kororka awoodda iyo diyaargarowga Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan adeegsiga diyaaradaha cirka si loo beegsado xubnaha kooxda ee ku kala sugan meelo kala duwan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay xirfadda, feejignaanta iyo kartida ay muujiyeen ciidamada ka qayb qaatay hawlgalka, iyada oo xustay in hawlgalladan ay ka tarjumayaan horumar la taaban karo oo laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.





