Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda daah-furka duulimaadka tooska ah ee ay Diyaaradda Masar ku imaanayso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Diyaaradda oo maanta billaawday duulimaadyadeeda tooska ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkii imaan doonta laba jeer Muqdisho, iyada oo khadkeedu noqon doono Qaahira, Jabuuti, Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada ee Masar.
Dowladda Soomaaliya oo ay metelayaan Wasiiradda Dibadda iyo Duulista Hawada ayaa soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan dhiggooda Masar, waxaana si rasmi ah loo daah-furay khadka duulimaad ee tooska kaas oo isku xiraya labada dal, iyada oo looga danleeyahay in la ballaariyo iskaashiga isgaarsineed ee Masar iyo Soomaaliya.

Wajiga cusube ee iskaashiga Soomaaliya iyo Masar
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar, Badr Cabdicaadi oo wada qabtay shir jaraa'id waxa ay labaduba hoosta ka xariiqeen sida ay uga go'an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya si loo xoojiyo is-dhexgalka gobolka.
"Hirgelinta iyo daah-furka duulimaadka tooska ah ee maanta waxa uu muujinaya sida ay Masar uga go’antahay xoojinta iskaashiga labada dal" ayuu yiri, Fiqi.
Fiqi waxa uu caddeeyay faa'iidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga.
" Duulimaadkan tooska ah, wuxuu ka tarjumayaa aragtideena guud ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolkeena" ayuu raaciyay Wasiir Fiqi hadalkiisa.
Wasiirka ayaa sidooo kale tilmaamay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada shacab, iyada oo ay ka abuurmi doonaan fursado ballaaran oo dan u ah labada dhinac, sida uu yiri; " Waxaan shaki ku jirin in khadkan cusub uu xoojin doono dhaqaalaha labada dal, wuxuuna ka dhigan yahay fursad lagu ballaarinayo aragtida iskaashiga , taasoo ka qayb qaadan doonta sii xoojinta xiriirka labada dal iyo himilooyinka guud ee labada shacab"
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa dhankiisa xusay in dowladdiisu soo dirtay wafdi ballaaaran oo isagu jira wasiiro iyo hay'ado kale taas oo ka marag kaceysa sida ay Masar u danaynayso xoojinta xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya, iyada oo lagu jiro xaalad xasaasi ah guud ahaan gobolka Geeska Afrika






