Daarusalaam(Dawan) - Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay magaalooyinka Muqdisho iyo Daarusalaam sida aya sheegtay wasaradda arrimha dibadda Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan khuburo ka kala socday labada dal ey ku yeesheen magaalada Daarusalaam 1-dii Luulyo, iyadoo kulankaasi uu dhaliyay baaq rasmi ah oo gogol xaar u ah hirgelinta duullimaadyada tooska ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la filayo in duullimaadyadu si rasmi ah u bilowdaan toddobaadyada soo socda, taasoo la filayo in ay noqoto tallaabo hor leh oo xoojinaysa isku socodka ganacsiga, dalxiiska iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada waddan.Horay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania, Danjire Mahmoud Thabit Kombo, oo ka hadlayay munaasabadda 65-guurada midnimada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Daarusalaam, ayaa muujiyay sida ay Tansaaniya uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada duulista hawada, ganacsiga iyo horumarinta xiriirka labada shacab.





