Addis Ababa (Dawan)- Kiisaska cudurka Duumada ee laga diiwan geliyay waayadii ugu dambeysay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa muuijnaya inay jirto kor u kac dhan 60%, sida laga soo xigtay Xafiiska caafimaadka gobolka.
Aregay Gebremedhin, oo ah madaxa Waaxda Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee gobolka Tigray ayaa sheegay in cudurka Duuamdu ku faafiyay 20 degmo, iyada oo 10 ka mid ah degmooyinkaas ay ka jirto xaalad uu ku tilmaamay halis.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay in dawa yarida ka jirta gobolka iyo hoos dhaca ku yimid tillaabooyinka ka hortagga cudurada ay sababeen faafitaanka Duumada, iyada oo dagaalkii ka dhacay gobolka uu sababbay inuu hakad ku yimaado shaqada qaar ka mid ah isbitaallada.
Tirada dadka uu soo rito cudurka Duumada ayaa ahaan jirtay 4000 isbuuuci balse hadda waxay gaartay 7000, iyada oo ay shaqeeyaan 50% adeegyadii caafimaadka ee gobolka, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladdu kasii darto, sida ay hadda tahay haddii aan la samaynin ka hortag ballaaran.



