Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda Education Cannot Wait (ECW), oo ah sanduuqa caalamiga ah ee waxbarashada xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka daba dheeraada, ayaa ku dhawaaqday deeq cusub oo gaaraysa $17.1 milyan si waxbarasho tayo leh loogu fidiyo in ka badan 43,000 oo carruur ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo ay saameeyeen dagaallo, abaaro, iyo barakac.
Deeqdan cusub ayaa wadarta guud ee maalgelinta ay ECW ku bixisay Soomaaliya ka dhigeysa $64.2 milyan. Barnaamijkan oo loogu magac daray Barnaamijka Adkeysiga ee Sanadaha Soconaya waxaa hirgelin doona hay’adaha ADRA, Save the Children, Concern Worldwide, iyo Formal Education Network for Private Schools (FENPS), iyadoo si dhow ula shaqeyn doona Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Yasmine Sherif, Agaasimaha Fulinta ee ECW, ayaa sheegtay in in ka badan 4.5 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah aysan weli helin waxbarasho, taasoo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo wax ka qabashada arrintan. Waxay ugu baaqday beesha caalamka in laga hortago in Soomaaliya noqoto “musiibo la hilmaamay.”
Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo matalaya mid ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee ECW, ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu yahay mid muddo dheer socda oo si gaar ah ugu talagalay carruurta nugul ee ku nool xaalado adag.



