Ankara - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xarunta madaxtooyada dalkaasi ee ku taalla magaalada Ankara.
Kulanka oo ka dhacay si gaar ah gudaha xarunta Cumhurbaşkanlığı Külliyesi ayaa lagu lafa-guray arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo xaaladaha guud ee gobolka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Warfaafinta madaxtooyada Turkiga, labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, tamarta, iyo la-dagaalanka kooxaha hubeysan ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Madaxweyne Erdogan ayaa ku nuux-nuuxsaday in Turkigu ka go’an tahay inuu sii xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo lagu tala jiro in la qaado tallaabooyin hor leh oo lagu horumarinayo iskaashiga labada dhinac.





