Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay Arbacadii in la qaaday tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub u noqon karta iskaashi dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.
Hadalkaas ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Ankara, kadib markii lasoo gabgabeeyay wareegii seddexaad ee wadahadaladda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo labadiisa dhinac ay taaganyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Erdogan ayaa tilmaamay in kalsoonida ay Soomaaliya iyo Itoobiya u hayaan Turkiga ay horseeday in la gaaro marxalad muhiim ah oo ka mid ah hannaanka wadaxaajoodka soo billowday siddeed bilood ka hor.
“ Waxaan ka gudubnay marxaladdii kalsoonidarrada iyo isfahan la’aanta. Waxaan qaadnay tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku salaysan nabad iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya." ayuu yiri Erdogan
Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in la xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka dhalata gobolka geeska afrika oo muhiim u ah qaaradda iyo caalamka, wuxuuna hadalkiisa raaciyay "Qoraalka heshiiska wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen wuxuu aas-aas u noqon doonaa iskaashiga, koboca dhaqaalaha, iyo barwaaqada gobolka, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraam."





