Addis Ababa (Dawan)- Qaxootiga Eretireyaanka ee ku nool Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, ayaa sheegay inay booliska dalkaas kala kulmeen beegsi gaar ah, cabsi gelin iyo xarig baahsan,taasoo abuureytay walaac xooga,. Howlgalka ciidamada ayaa saameyn ku yeeshay qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ah ee ka soo cararay Eretireya, kuwaas oo u baad goob ugu jira nolol wanaagsan .
Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa u sheegay sheegay BBC-da in boqollaal qof lagu xirey Addis Ababa, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas loo xiray kaliya inay ku hadlaan luqadda Tigriga , oo ah luqadda rasmiga ah ee Eretireya sidoo kalena looga hadlo gobolka Tigray ee Itoobiya.
“Boolisku way na soo qabteen oo way na xirxireen. Kadib, taliyaha booliska ayaa lacag dalbaday si naloo sii daayo,” ayuu sheegay mid ka mid ah qaxootiga oo la hadlay BBC.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka qaar ay ku xiran yihiin xerooyinka ama meelaha ay qaxootigu ku sugan yihiin, iyadoo laga cabsi qabo in loo celiyo Eretireya, taasoo keeni karta in ay wajahaan xabsi iyo ciqaab.
Kaliya sannadkan, in ka badan 20,000 oo Eretireyaanka ah ayaa ka soo gudbay xadka ay labada dal wadaagaan , kuwaas oo ku biiray 70,000 oo qaxooti ah oo horey u diiwaan gashanaa.






