Asmara, 5 Janaayo 2026 ( Dawan)- Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa magaalada Asmara kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Suudaan Jibriil Ibraahim iyo Wasiirka Warfaafinta Khaalid Al-Ecseyr, oo booqasho ku tegay dalkaas shalay.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Suudaan (SUNA), kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo kawada shaqaynta xasiloonida Badda Cas iyo gobolka.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday sidii loola socon lahaa isbeddelada kasoo cusbnooda gobolka iyo caalamka, iyada oo mudnaanta la siinayo danaha labada dal.






