Asmara (Dawan)- Dowladda Eritrea ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay si rasmi ah uga baxday Urur-goboleedka IGAD, taas oo keentay in Qaramada Midoobay ay walaac ka muujiso iyada oo laga cabsi qabo in ay dib u qaraxdo xiisadda u dhexeysa Eritrea iyo Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Asmara ay si rasmi ah ugu wargelisay Xoghayaha Guud ee IGAD go’aankeeda ka bixitaanka ururka, iyadoo ku sababeysay in IGAD ay lumisay waajibaadkeedii sharciyeed, isla markaana ku guuldareysatay xaqiijinta xasilloonida gobolka iyo ka dhabeynta himilooyinka shucuubta Geeska Afrika.
Eritrea ayaa ku eedeysay IGAD in ay isu beddeshay aalad siyaasadeed oo loo adeegsado dano gaar ah oo ka dhan ah qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah, iyadoo si dadban farta ugu fiiqday Itoobiya oo xiriirkoodu uu yahay mid kacsan.
Dowladda Eritrea ayaa sidoo kale sheegtay in kasii mid ahaansha ururka inuusan wax faa’iido ah lahayn, maadaama ay IGAD ka gaabisay fulinta waajibaadkeeda sharciyeed iyo masuuliyadeeda ee gobolka.
Bayaanka ayaa tilmaamaya in Eritrea ay dib ugu laabatay xubinnimadeeda IGAD bishii Juun 2023, iyadoo rajeynaysay in ay door ka qaadato dib-u-habeynta ururka, balse aysan arag wax isbeddel oo wax ku ool ah kana tajumaya baahiyaha ka jira gobolka.
IGAD: Go’aan laga xumaado
Dhanka kale, Urur-goboleedka IGAD ayaa muujiyay inuu aad uga xunyahay go’aanka Dowladda Eritrea ay kaga baxday ururka. Bayaan ay IGAD soo saartay ayaa lagu sheegay in Eritrea ay horay uga maqneyd ururka muddo ku dhow labaatan sano, isla markaana shir-madaxeedkii IGAD ee bishii Juun 2023 lagu go’aamiyay dib-u-soo-celinta xubinnimadeeda, taas oo muujineysay isgarab-istaag goboleed iyo rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga.
IGAD waxay caddeysay in ay mar walba furnaayeen albaabada wadahadallada iyo iskaashiga, iyada oo aysan jirin in qaab ka duwan dowladaha kale loola dhaqmay Dowladda Eritrea.
Ururku wuxuu sheegay in go’aanka Eritrea uga baxday IGAD in aanu ka horreyn wax wadatashi ah ama soo-jeedin la taaban karo oo ku saabsan dib-u-habeyn hay’adeed ama siyaasadeed, iyada oo ay mar walba furnaayeen dhammaan hannaanada talo-bixineed ee ururka.
IGAD ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee ay kula xiriireyso Dowladda Eritrea, si ay dib uga fiirsato go’aankeeda ka bixitaanka ururuka kaas oo ka hor imaanaya xaqiijinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Khilaaf soo jireen ah





