Jig-jiga (Dawan)- Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa soo gabo gabaysay diyaargarowga ay dib ugu billaabeyso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Qabridahar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Sida uu qorshuhu yahay , Ethiopian Airlines ayaa lagu wadaa in ay todobaadkii laba duulimaad ku tagto magaalada Qabridahar
Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay in tillaabadan ay ka mid tahay qorshaha lagu ballaarinayo duulimaadyada gudaha dalka Itoobiya, iyada oo magaaladii saddexaad ee ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ku tageysa duulimaad marka lagu daro Jig-jiga iyo Godey.
Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa uu sheegay inuu dadaal dheeraad ah ku bixiyay sidii shirkadu usoo celin laheyd duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Qabridahar oo cillado farsamo aawgeed hakad u galay waayadii ugu dambeysay.






