Muqdisho (Dawan)- Taageerada Turkiga ee Soomaaliya ayaa gaartay heerar cusub kaddib tallaabooyin istaraatiiji ah oo ay qaadday dowladda Turkiga maalmihii lasoo dhaafay kuwaas o soo jiitay indhaha caalamka. Turkiga ayaa Soomaaliya usoo diray diyaaradaha dagaalka ee F-16, taas oo muujinaysa taageero milatari oo heer sare ah. Sidoo kale, in ka badan toban duulimaad oo rakaab ah oo ayay diyaaradda Turkigu ku timid toddobaadkan magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Khamiistii magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ka qalin-jabiyay Akadeemiyada Militariga ee Turkiga. Tallaabadan ayaa si cad u muujinaysa heerka horumarka ee xiriirka difaac ee u dhexeeya labada dal.
Sidoo kale, Golaha Amniga Qaranka ee Turkiga ayaa si rasmi ah mudnaanta u siiyay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, go’aan taariikhi ah oo ka tarjumaya mowqif cad oo Ankara ay ka qaadatay difaaca qaranimada Soomaaliya.





