Muqdisho (Dawan)- Taliyihii hore ee hay'adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasin ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Fahad ma sheegin sababta keentay kala tagga isaga iyo Farmaajo oo ahaa sanadihii ugu dambeeyay laba nin oo aad isagu dhaw.
"Laga bilaabo maanta, oo ay taarikhdu ku beegan tahay 1-da September 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan gayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho" sidaas waxaa yiri Fahad Yaasin





