MOGADISHU (DAWAN)- Saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu kuma cusba Soomaaliya. 20-kii sano ee la soo dhaafay, dalka waxa soo wajahay dhacdooyin tira badan oo isbeddelka cimiladu keeneen, kuwaas oo sababay cunto yari iyo barakaca malaayin qof.
Inkasta oo Soomaaliya ka mid yahay dowladaha aan dadaal badan ku bixin wax ka qabashada qiiqa hawada lagu sii daayo, hadana waxey dowladdu fahansantahay inay lagama maarmaan tahay ku biirista heshiiska Paris ee lagula dagaalamo isbeddelka cimilada.
Si arrintaas looga taageero, ayaa Hay'adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Cuntada iyo Beeraha ee (FAO) waxay ka caawineysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya sidii loo hormarin lahaa “ Qorshe Hawleedka Qaran” ee heshiiskii Paris.
Qorshahaan ayaa tilmaamaaya sida Soomaaliya ku yarayn karto qiiqa hawada lagu sii daayo, la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada, iyo in Soomaaliya hesho maalgelinta la siiyo dalalka u nugul isbeddelka cimilada.
Hay'adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Cuntada iyo Beeraha ayaa Soomaaliya ku taagereysa dhammaan qalabka ka caawin kara dhimista qiiqa hawada iyo sida lagula socon karo qiimeynta isbeddelka cimilada taas oo ugu danbeyn Soomaaliya u fududeyn karta helista dhaqaalaha la siiyo dalalka ku wax yeeloobay isbeddelka cimilada.



