Paris (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Marwo Catherine Colonna, ayaa dhiggeeda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf kala hadashay xaaladihii ugu dambeeyay ee Badda Cas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska.
Qoraalka Wasaaradda ayaa xusay in Colonna ay tilmaamtay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xorriyadda socdaalka, taas oo ah mid ka mid ah mabaadi'da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.
Colonna ayaa intaas raacisay in dalkeeda uu qaadi doono dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii loo sugi lahaa ammaanka Badda Cas.
Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeysay in Dowladdeedu taageyreyso dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan dalalka IGAD oo ay hoggaamiso Jabuuti, si loo xaqiijiyo xabbad joojin ka hirgasha dalka Suudaan iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar bini aadantinimo dadka dhibaateysan.
Labada Wasiir ayaa muujiyay go'aankooda ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga dhibaatada sii kordheysa ee Badda Cas.
Wafdi heersare ah oo ay hoggaaminayeen Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa booqasho shaqo ku tegay Jabuuti bishii lasoo dhaafay ee December, iyaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta ugu sarreysa, sida Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xilligaas warbaahinta gudaha u sheegay in labada dowladood ay si qota dheer uga wada xaajoodeen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya taas oo looga gol leeyahay in la saxiixo dhowr heshiis oo cusub bilaha soo socda.






