Paris (Dawan)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad” oo booqasho rasmi ah ku jooga Faransiiska, ayaa kulan la qaatay Wasiiru-dowlaha dalkaas Thani Maxamed Soilihi, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu soo dhaweeyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee caalamka, gaar ahaan ka dib markii loo doortay xubinnimada aan joogta ahayn ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guushan, waxayna labada dhinac isla meel dhigeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo hawlgalka taageerada xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Iskaashiga Dhaqaalaha




