Muqdisho (Dawan)- Aragtida uu madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qabo go'aanka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.
Go'aannada caawa oo ay taariikhdu tahay 30-ka bisha Oktoobar 2024, ka soo baxay shirka ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dalka u jiheeyeen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo khatar ku timi midnimada intii awal wada-joogtay.
Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go'aansaday in talada iyo go'aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.
Haddaba, go'aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka.






