Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana hor imanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.
Farmaajo ayaa sheegay in sharciga caalamiga ahi uu ku waajibinayo Israa’iil inay ixtiraamto madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qayb ka mid ah dalka uu jebinayo mabaadi’da caalamiga ah.
“Aqoonsiga qayb ka mid ah Soomaaliya waa jebin cad oo sharciga caalamiga ah. Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, dadkeenuna si midaysan ayay u difaacayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dalka,” ayuu Farmaajo ku qoray bartiisa bulshada.


