Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyay xariga Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.
Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in xarigaas uu muujinayo nooca doorasho ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay.
"Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac, waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay”,ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in xariga Guddoomiyaha uu dhibaato u keenayo xasiloonida siyaasadeed iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee dalka.



