Muqdisho 18 December 2025 (Dawan)- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inuu muddo sanad iyo dheeraad ah si sharci-darro ah ugu haysto gurigiisa Senatar Ilyaas Beddel Gaboose.
Fartaag ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sii qulqulaya Kismaayo inay iska indho-tireen arrinta Senatarka xiran, isagoo su’aal geliyay sababta aan Axmed Madoobe wax looga weydiin “may dhahaan ninkaan muxuu u xiranyahay haddad dowlad tahay?”. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Kismaayo aysan ahayn magaalo ku habboon shir looga ahdlayo dimuqraadiyad iyo doorasho inta uu maamulayo Axmed Madoobe, oo uu sheegay inuu muddo dheer xukunka xoog ku haystay isla markaana u diiday doorashooyin xor ah.
Sidoo kale, Fartaag ayaa mucaaradka ku dhaliilay inay ka leexdeen ballanqaadyadii ay hore u wada qaadeen ee ku saabsanaa dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashada qof iyo cod.





