Beledweyn (Dawan)- Kumanaan qoys oo ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la daalaa dhacaya barakac ka dib markii wabiga Shabeelle oo dhex mara magaalada uu buux dhaafiyay kadibna ku fatahay dhowr xaafad.
Fatahaada ayaa si weyn u saameysay Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo-taako,halkaas oo Wabiga biyo dhigay deegaano ay ka mid yihiin Raadeerka,Kutiimbo,Kangjibis, iyo Shaah Macaan.
Wabiga ayaa sameeyay fatahaado kadib roobab xoogan oo ka da’ay magaaladda kuwaas oo burbur xoogan u geystay biya xireenadii wabiga, halka dadka deegaanka qiyaastii in badan boqolkiiba 80 ay daafaha magaaladda u barakaceen.
Beledweyne ayaa ka mid ahayd dhor goobood oo aad looga digayay ka hor inta aysan billaabin roobabka deyrta ee hadda ka da'aya inta badan Gobollada Soomaaliya.
Bishii hore ayay aheyd markii Xaaji Cismaan Dhagaxow uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka fatahaada Beledweyne, isaga oo sheegay in ay jirto habacsanaan ka dhalatay howlaha biyo xireenka Beledweyne iyo faragelin xad dhaaf ah oo lagu sameeyay howlihii loo igmaday Guddiga.
Magaalada Beledweyne ayaa wajaheysa dibaatadda isbeddeka cimilada iyo fatahaadda wabiga Shabeelle, taasi oo hakad geisay habsami u socodka nolosha dadka iyo waxbarashadii magaalada.





