Gaarisa (Dawan)- Maamulka Ismaamulka Gaarisa ayaa kulan deg-deg ah ka yeeshays sidii loo howl galin lahaa kooxaha gurmadka ee arrimaha fatahaadaha kuwaas oo la socon doona xaaladda fatahaadaha laga cabsi qaabo in ay ku dhuftaan ismaamulka ka dib marki ay buux dhaafeen todoba ka mid ah biyo xiireenada deegaanada kala duwan ee Gaarisa
Maamulka ismaamulka Gaarisa oo kaashanaya waaxda barnaamijyada gaarka ah ee degmada ayaa soo abaabulay kulan ay kasoo qeyb galeen dhinayada kala duwan ee hay'adaha ay quseyso si loogu diyaar garoobo loona xoojiyo dadaalladda looga hortegayo saamenyta ka dhalan karta fatahaadaha laga cabsi qabo.

Kulanka ayaa lagu go'aamiyay in lala yimaada xeelado dhameystiran oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha soo socda iyo in taageero buuxda loo fidiyo bulshooyinka nugul.
Waxaa sidoo kale lasoo jeediyay in si joogta ah loola socdo xaaladda fatahaadda iyo saadaasha jirta, si kor loogu qaado dadaaladda abaabulka ah iyo hannaanka ka hortagga dhibaatada fatahaaadaha.





