Kinshasa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa mar labaad loo dhaariyay inuu madaxtinimada dalkaas sii hayo shanta sano ee soo socota ka dib doorashooyinkii si weyn loogu loolamay bishii December.
"Waxaan dib u qaadanayaa ushii amarka ee aad ii dhiibteen. Waxaan dooneynaa Congo mideysan, xoog badan oo barwaaqo ah,” Tshisekedi ayaa yiri intii lagu guda jiray xafladda caleema saarka ee Sabtidii ka dhacday caasimadda.
Inkasta oo ay xiisadu ka jiraan Gobollada Bari ee dalka, waxa uu Tshisekedi doortay in xafladda caleema saarka ay ka dhacdo garoonka Shuhadada ee qaada dad gaaraya 80,000 oo qof.
Madaxweynaha Congo ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii dhacday 20-kii December isagoo ku guuleystay in ka badan 70% codadkii la dhiibtay oo ay ka qayb qaateen 18 milyan oof qof (40%)
Mucaaradka dalka ayaa diiday natiijada doorashada
Musharixiinta mucaaradka ayaan ka soo qeybgalin xaflada dhaarinta, waxayna su’aal ka keeneen sharci ahaanshaha codeynta, iyaga oo ugu baaqay taageerayaashooda mudaaharaad lagu diidayo natiijada doorashada.
Waxaa adkaatay in la dhigo mudaaharaadyo kadib markii waddooyinka waaweyn ee dalka lagu daadiyay ciidamo inkasta oo ay Magaalooyinka Goma iyo Beni ay ka dhaceen dibadbaxyo aan sidaas usii ballaarneyn.
Musharaxiinta mucaaradka - oo uu ku jiro ganacsade Moise Katumbi oo galay kaalinta labaad kadib markii uu helay 18% ayaa diiday natiijada doorashada, wuxuuna ku eedeyay Dowladda in ay is sameysay is dabamarin iyo ku shubasho.
Dhibaatooyinka dhacay waxaa ka mid ah in aan goobaha qaar la geynin agabkii doorashada xilliyadi loogu tala galay taas oo keentay in maalin dheeraad ah lagu daro waqtiga doorashada si ay dadku u dhiibtaan codadkooda.
Martin Fayulu, oo helay 5% ayaa sheegay in la xaday codadkii dadweynaha, sidoo kale Denis Mukwege oo hore ugu guuleystay abaal marinta Nobel Peace Prize ayaa helay in ka yar 1%.







