Helsinki (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa ku dhawaaqday hakin ku-meel-gaar ah ee ku saabsan fulinta barnaamijkeeda iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya, sababo la xiriira in aan horumar ku filan laga gaarin wada shaqeynta dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay habacsanaanta ku timid fulinta heshiisyada horumarineed ee labada dhinac, gaar ahaan arrinta dib u celinta muwaadiniinta. Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Finland, Ville Tavio, ayaa caddeeyay in aysan jiri doonin maalgelin cusub ilaa la gaaro horumar muuqda oo ku saabsan wada shaqeynta dib u celinta.
Si kastaba ha ahaatee, Finland waxay xaqiijisay in mashaariicda horay loo bilaabay ay sii socon doonaan, iyadoo la raacayo heshiisyadii hore. Waaxay sidoo kale caddeysay in hakintan aysan saameyn doonin gargaarka bani’aadannimo, taageerada ururada bulshada rayidka ah, iyo horumarinta ganacsiga gaarka ah, iyada oo ay sii socon doonaan maalgelinta sanadlaha ah ee Soomaaliya oo gaareysa $8.5–9.5 milyan, taasoo loogu talagalay horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha.



