Ankara (Dawan)- kadib markii lagu kala kacay wadahadalladii labada maalin qaatay ee Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya si xal looga gaaro khilaafkii dhanka badda ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in lagu ballamay wareeg seddexaad oo wadahadal ah.
Axmed Macallin Fiqi ayaa X kusoo qoray farriin u qorneed sida soo socota; "Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadlka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay. Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay. Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside”
Hadalka Fiqi ayaa sii adkeeyay warkii ahaa in Soomaaliya ay shardi uga dhigtay wadahadallada fool ka foolka ah in marka hore Itoobiya ka laabato is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.
Turkiga ayaa sameeyay dadaal xoogan balse waxay u muuqataa inuu socon waayay qorshihiisi ahaa in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, shakina aan gelin midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.





