Qaahira (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, isaga oo kala hadlay hannaanka lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.
Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.



