Muqdisho (Dawan)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa eedeymo culus u jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyaga oo sidoo kalena soo jeediyay in dib eegis lagu sameeyo xilkiisa, sida ku cad codsiga ay u gudbiyeen gudoonka Golaha Shacabka.
Eedeymaha loo jeddiyay Fiqi waxaa ka mid ah curyaaminta shaqo ee wasaaradda, kadib markii uu amaray in mas'uuliyiinta kale ee wasaaradda aysan saxiixi karin wax warqad ah, taas oo keentay in hakad ku yimaado shaqadii wasaaradda sida ay sheegeen xildhibaanadu.
"Mudane guddoomiye, markaan aragnay in wasiirka wasaaradda uu curyaamiyay shaqadii wasaaradda, oo uu amar ku siiyay Wasir Dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Xoghayaha Joogtada iyo agaasimayaasha kale in mas'uuliyaddi ay qaranka u hayeen aysan wargad ku saxiixi karın, taasoo ay ka dhalatay wasiirka muddada uu safarka jiro wax shaqa ah in aysan ka soconin wasaaradda, taasoo khilaafsan sharuucda dalka iyo hanaanka dowliga ah" ayaa lagu yiri, mooshinka ay gudbiyeen xildhibaanadu oo Dawan TV uu helay.






