Dooxa (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar ka daahfuray Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo socon doona ilaa 24-ka bishaan, waxaana kasoo qayb galay in ka badan 250 qof oo ka kala yimid daafaha dunida sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi.
"Isku xirka qurboogta dhexdooda, kaa faa’idaysiga awooddooda, ku xirka dalkooda hooyo iyo isku xirka dowladda iyo Qurba-joogtu, waa hadafka ugu weyn ee shirweynahan" ayuu yiri, Fiqi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dowladda Qatar oo markii ugu horeysay martigelineysa shirkan, wuxuuna ku tilmaamay inay Soomaaliya u tahay saaxib istiraatiiji ah oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah iyo walaaltinimo dhow.

Aqoonyahano, fannaniin, ganacsato, xirfadley, weriyaal iyo shakhsiyaad ka kala socda ururada bulshada ayaa ka qayb qaadanaya shirwaynaha Qurba-joogta oo sannadkan loosoo wareejiyay Qatar.
Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heli doonaan inay soo bandhigaan fikradahooda iyo waaya aragnimadooda si loo abuuro iskaashi cusub oo gacan ka gaysan kara dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.






