Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Israa’iil ay si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida Soomaaliya, kaddib ku dhawaaqisteeda aqoonsiga Somaliland.
Wareysi uu siiyay telefishinka Al-Ghad Sabtidii, ayuu wasiirku ku shaaciyay in Somaliand ay la xiriirtay Israa’iil, iyaga oo ka codsaday in ay aqoonsato, taas bedelkeedana ay aqbalaan dadka Falastiiniyiinta ah ee laga soo barakicinayo Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa xusay in ay jireen xiriirro dadban oo soo marayay dhinacyo badan, kuwaas oo loogu soo jeediyay Soomaaliya inay aqbasho martigelinta Falastiiniyiinta ay Israa’iil barakicinayso, balse uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diidday arrintaas, taasina ay sababtay in Somaliland fursaddaas ka faa’iidaysto.






