Muqdisho, – 31 Diseembar 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Ow-Cali, ayaa beeniyay jiritaanka fikrado gooni-u-goosad ah oo ka jira dhammaan gobollada waqooyi ee dalka, kuwaas oo inta badan loo wada yaqaan Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aragtiyahaasi ay ku kooban yihiin qaybo ka mid ah waqooyi-galbeed, isla markaana aanay matalin mowqifka guud ee bulshada deegaannadaas.
Isagoo ka hadlayay madasha Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, madaxweynuhu wuxuu sheegay in guudmar lagu tilmaamo dhammaan gobollada waqooyi inay gooni-u-goosad doon yihiin uu yahay mid marin-habaabin ah, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo hadalka noocaas ah. “Ma jiraan fikrado gooni-u-goosad ah oo ka jira dhammaan gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Arrintani waxay ku kooban tahay qaybo ka mid ah waqooyi-galbeed. Aniguba waxaan ka imid gobollada waqooyi, mana ahi gooni-u-goosad doon; waa in la joojiyaa ballaarinta tilmaantan,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ka digay adeegsiga luuqad guudmar ah oo gooni-u-goosadka ku tilmaanta dhammaan waqooyiga dalka, isagoo xusay in hadalkaasi uu sii hurin karo kala qaybsanaan, isla markaana uu qalloocin karo xaqiiqada siyaasadeed ee ka jirta dhulka.






