Gaarisa (Dawan)– Maxkamadaha magaalada Gaarisa ayaa Jimcihii soo abaabulay kulan wada-tashi ah oo u dhexeeyay hay’adaha garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray caqabadaha ka taagan hirgelinta caddaaladda iyo tayeynta adeegyada garsoor.
Kulankan oo halku-dhiggiisu ahaa “Ka-qaybgelinta muwaadiniinta iyo xoojinta caddaaladda” ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo madal furan oo dadweynuhu si toos ah ugu gudbiyaan cabashooyinkooda, isla markaana ay mas’uuliyiinta garsoorku u dhageystaan aragtiyaha iyo talooyinka bulshada.
Garsoore Sare Jackson Omwange, ayaa sheegay in wada-tashigu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha garsoorka. Wuxuu xusay in arrimaha la soo bandhigay ay si gaar ah u taabanayeen murannada dhulka, dib-u-dhaca dacwadaha maxkamadaha, fulinta xukunnada maxkamadeed, iyo arrimaha la xiriira carruurta.
Intii uu socday kulanka, xubnaha bulshada ayaa si furan u soo bandhigay caqabadaha ay kala kulmaan nidaamka caddaaladda, iyagoo helay jawaabo toos ah oo ay bixiyeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wakiillo ka socday Ururka Qareennada Kenya iyo hay’adaha ammaanka.
Ceebla Xalane, oo ka mid ahayd dadka hadlay, ayaa sheegtay in seygeeda la la’yahay tan iyo bishii May 2025, iyadoo tilmaantay inay warbixin rasmi ah siisay booliska, balse aanay weli helin wax xog ah oo ku saabsan halka ay marayaan baaritaannada. Wakiil ka socday booliska ayaa ballanqaaday in arrintaas si dhow loo dabageli doono.





