Gaarisa (Dawan)- Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Lagdera ee Ismamulka Gaarisa, Maxamed Cabdulqaadir ayaa deeq dhan 76 million oo lacagta Kenya ah ugu deeqay ardayda saboolka ah ee ku nool deegaankiisa
Xildhibaanka ayaa sheegay in deeqdaan ay ka faa'iidaysan doonan in ka badan 12kun oo arday kuwaas oo dhigta Dugsiyada Sare, Jaamacadaha , Machadyada iyo Kulliyadaha tababarka farsamooyinka gacanta
Xildhibaanka ayaa sidoo kale caddeeyay in ay tageeerayaan dadaallada Dowladda ee lagu doonayo in dhamaan caruurta Kenya ay helan hannaan waxbarasho oo dhameystiran, wuxuuna ballan qaaday inuu maal gelin doono waxbaridda carruurta Lagdera si ay u noqdan kuwo wax soo saar leh oo anfaca bulshada.

Carruurta aan Waalidiintoodu awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadka waxbarashada ayaa ku qasbanaada in ay iska joogaan guryaha, taas oo dhibaato ku ah mustaqbalka carruurta.




