Galmudug waxa ay maanta si rasmi ah u daahfurtay xaafad cusub oo loogu talagalay barakacayaasha, taasoo qeyb ka ah mashruuca Xalka Waara ee loogu talagalay dib-u-dejinta dadka danyarta ah.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa xarigga ka jaray xaafadda cusub ee Har-wanaag, taasoo laga dhisay degmada Cadaado. Xaafaddan ayaa hooy u noqon doonta in ka badan 117 qoys oo barakacayaal ah, kuwaasoo helay guryo cusub oo si rasmi ah loogu wareejiyay.
Mashruucan deegaameynta ah ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), Hay’adda NRC iyo dowlad goboleedka Galmudug, waxaana lagu dhisay muddo ka yar hal sano.
Intii ay socotay xafladda furitaanka, qoysaskii la dejiyay ayaa la guddoonsiiyay dukumentiyada rasmi ah ee caddeynaya lahaanshahooda guryaha. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xallinayo arrimaha barakaca, isagoo ballanqaaday in deegaannada kale ee Galmudug sidoo kale laga hirgelin doono mashruuca Xalka Waara.







