Jig-jiga (Dawan)- Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa weli wada dadaalo lagu garab istaagayo bulshada ay fatahaadu saameeyeen ee degmada Qallaafe.
Mas'uuliyiin iskugu jirta heer deegaan iyo heer gobol oo adeegsanaya diyaaraha qumaatiga u kaca iyo doomaha biyaha ayaa waxay Bakhaarka caawimaada ee Xafiiska Maaraynta Khatarta iyo Masiibooyinka ee Godey ay degmada Qallaafe uga rareen gargaar kala duwan ee sida raashinka jilcsan, daawada caafimaadka, daawada biyaha, bustayaal, shiraacyo iyo maro kaneecooyin.
Sidookale caawimaaddaan ayaa waxaa barbar socda badbaadinta qoysaska ku xaniban biyaha.
Xukuumada ayaa sidoo kale gurmad iyo taakulayn ka wada dhamaan Goobahii aay saameeyeen Fatahaada wabiyada sida degmoyinka Jarati iyo Dollow Addo ee gobolada Afdheer iyo Liibaan.







