Garissa (Dawan)- Boliiska magaalada Garissa ayaa soo qabtay laba nin oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falal dhac iyo boob ah oo ka dhacay gudaha magaalada labadii isbuuc ee lasoo dhaafay. Labada eedeysane ayaa la sheegay in ay siteen qori AK-47 iyo toorrey, waxaana lagu qabtay guri ku yaal xaafadda Bur Buriska ee galbeedka Garissa.
War ka soo baxay Boliiska ayaa lagu sheegay in eedaysanayaashan laga soo qabtay guriga ay daggan tahay haweeney 70 sano jir ah, waxaana iminka lagu hayaa saldhigga Boliska Mamadi, waxaana sidoo kale laga helay goobta ay ku sugnaayeen tiro mobilo ah iyo gaari.



