Garissa (Dawan)- 47 wasiir oo ka kala socday Ismaamulladda dalka Kenya ayaa magaalada Gariisa ee gobolka Waqooyi-bari ku yeeshay shir ku saabsanaa horumarinta iyo iskaashiga dhanka caafimaadka.
Guddoomiyaha ismamulka Garissa, Nadiif Jaamac iyo Gladys Wanga, Guddoomiyaha ismaamulka Homabay oo howlo shaqo ku joogtay maalmihii lasoo dhaafay Garissa ayaa si wada jir u guddoomay shirka wadatashiga ee arrimaha caafimaadka oo saddexdii biloodba mar la qabto ayna kasoo qaybagalaan xubnaha guddiga fulinta caafimadka ee Ismaamullada dalka Kenya oo gaaraya ilaa 47 .
Shirka ayaa ku qotomay saamaynta uu yeelan doono go'aankii dhawaan maxkamadda ee Xeerka caafimaadka guud ee UHC kaas oo ay maxkamaddu bishi hore ku tilmaamtay sharci darro iyo sidoo kale ka tashiga arrimaha muhiimka ah ee soo if-baxaya oo ay la kulmaan qaybaha caafimaadka ismamullada.





