Garissa (Dawan)- Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada ee ismaamulka Garrisa ayaa ka codsaday dowladda dhexe in ay dib uga fiirsato xayiraadda lagu soo rogay qodista dhagxaanta "kotkotada" ah ee ismaamulka, taasoo la mamnuucay sanad ka hor sababo la xiriira amni darrada ka dhalatay aagga macdanta.
Hoggaamiyeyaashan oo uu hoggaaminayo Maxamed Carees, oo hore u ahaa musharrax u tartamay xildhibaanimada deegaanka Balambala, ayaa sheegay in qodista macdanta ay si weyn u taageeri jirtay kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo shirkadaha qodayay dhagaxaanta ay canshuur sii jireen dowladda dhexe iyo midda hoose, taas oo lagu maalgelin jiray mashaariic muhiim ah oo bulshada u baahantahay.
Waxay sidoo kale sheegeen in qodista dhagaxaanta ay ahayd fursad shaqo oo muhiim ah dhallinyarada iyo dadka nolosha hoose taasoo gacan ka gaysanaysay maareynta noloshooda.





