Addis Ababa (Dawan)- Garoonka diyaaradaha Atse Yohannes IV ee ku yaal magaalada taariikhiga ah ee Axum ee dowlad deegaanka Tigray ayaa dib u billaabay howlihiisa shaqo kadib in ka badan muddo saddex sano ah.
Dagaalladii lagu hoobtay ee ka socday labadii sano ee lasoo dhaafay dowlad deegaanka Tigray ayaa sababay in shaqadii garoonka ay joogsato, waxana qaybaha kala duwan ee garoonka soo gaaray burbur iyo khasaaro lixaad leh.
Diyaaradda Ethiopian Airlines oo siday 140 qof ayaa muddo saddex sano kadib ah duulimaad ku tagtay magaalada Axum 9-ka bishan June, iyada oo dadka saaranaa ay ka mid ahaayeen madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfen Tasew iyo mas'uuliyiin heer federaal iyo heer gobol ah.
Madaxwaynaha maamulka kumeel gaarka ee dowlad deegaanka Tigray Getachew Reda iyo mas'uuliyiin kale ayaa soo dhaweyn u sameeyay wafdiga gaaray magaalada Axum, waxaana lagu wadaa in la joogteeyo shaqada garoonka sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta gobolka.





