Istanbul (Dawan)- Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ku heshay dambi ah in uu dilay darawal Mooto oo dalkaas u dhashay, waaxeyna ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed.
Dacwad oogayaasha ayaa codsaday in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.
Talaadadii, Maxkamadda Istanbul ayaa soo saaratay xukunkeeda oo ah 27,300 oo lacagta Turkiga ah una dhiganta $900, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda Turkiga.
Xukunka ayaa dhacay iyada uu Maxamed ka maqanyahay Maxkamadda, waxaana lagala laabtay sidoo kale sharciga gaari wadista muddo lix bilood ah.
Maxamed waxaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u dilay muwaadin Turki ah oo watay Mooto kaas oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Gocer.
Yunus Emre Gocer ayaa dhaawac halis ah soo gaaray 30-kii November 2023 isaga oo lix maalin kadib u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka.
Maxamed ayaa beeniyay inuu si ula kac ah ugu dhuftay gaariga uu watay Mootada muwaadinka Turkiga ah, isaga oo sheegay in Mootadu si lama filaan ah u istaagtay kadibna uu ku dhacay gaariga uu watay.
Warbixinta Boliiska, waxaa lagu sheegay in Gocer, oo ah aabbe leh laba carruur ah, in uusan ku xad gudbin shuruucda waddada, sidaas darteedna uu darawalka gaarigu lahaa qaladka dhacay.



